Latest News

Split Within Alshabaab Reported

Muqdisho,September 23,2022( Haatufonline)-Waxa isa soo taraya wararka sheegaya in Ururka Alshabaab uu dhawrki maalmood ee ina soo dhaafay u kala jabay laba kooxood.

Hadaba ilo xogogaal ah oo arintan wax nooga iftiimiyey ayaa waxay noo sheegeen in kala-jabka Alshabaab uu sababay khilaaf xoog leh oo ka dhashay qaabka loo waajahayo xaaladda cusub ee lasoo daristay ururka kadib markii uu kacdoon dadweyne oo hubaysan oo ku lidi ahi ka dhex dilaacay gobolada Somalia qaarkood taasoo Alshabaab ku keentay khasaare laxaad leh iyadoo ay dagaalyahano tiro badani kaga dhinteen kagana dhaawacmeen iska horimaadyadaasi isla markaana laga saaray dhul baaxad leh oo ay muddo dheer iyagu xukumi jireen dhaqaale badana ka heli jireen.

Siday Ilahani ku warameen hogaanka iyo saraakiisha ciidan ee Alshabaab waxay isku qabteen in laga aargoosto qabaaiilka la dagaalama iyo in kale iyadoo xubno badan oo ka tirsan Alshabaab ay cadho ka muujiyeen hadal uu dhawaan jeediyey afhayeenka Alshabaab Cali Dheere hadalkaas oo uu ku iclaamiyey in Alshabaab ay dagaal aan naxariis lahayn ku qaadi doonto qabiilka Xawaadle ee kacdoonka ka dhanka ah ka wada gobolka Hiiraan iyo waliba qabiil kasta oo ka horyimaadda ururkooda. Arimaha kalee la isku khilaafay waxa ka mid ah qaabki loo kasban lahaa shucuurta dadweynaha iyadoo kooxda cusubi soo jeedisay in dhibka laga yareeyo dadweynaha waqtigan abaaraha lagu jiro isla markaana muddo la joojiyo weerarada ismidaaminta ah iyo qaraxyada oo difaac uun lagu jiro si looga soo waaqdo khasaarihi dhacay loona bakhtiiyo colaadda abaabulan ee soo waajahday waqtigan xaadirka ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*