Kooxda D/Hoose Ee Wajaale Oo 2-1 Kaga Badisay Kooxda Goodir Burco.
Berbera, January 27, 2026 (Haatuf.online) – Ciyaar xiiso iyo xamaasad leh oo maanta ku dhexmartay Magaalada Berbera kooxaha Dawlada Hoose ee Wajaale iyo Kooxda Goodir ee Burco ayaa ku soo dhamaatay 2 gool iyo hal ay guushu ku raacday Wajaale.Ciyaartan oo ka mid ah horyaalka kooxaha Somaliland ayaa Kooxda Goodir ee magaalada Burco ay noqotay kooxdii ugu dambaysay ee macasalaamaysa horyaalka Somaliland ka dib markii ay 2 Gool iyo 1 Gool ku soo idlaatay ciyaartii u dhaxaysay kooxaha dawladda hoose ee Wajaale iyo Goodir Burco.Kooxda dawladda hoose ee Wajaale oo sannadkan horyaalka ku cusbayd ayaa noqotay koox ku cusub horyaalka sanandkan balse iska xaadirsay wareegga afar dhammaadka Horyaalka Horyaallada Somaliland.
Leave a comment