Latest News

Kooxda Gaashaan Hargeysa Oo U Gudubtay Afar Dhamaadka (Simi-Final) Horyaalka Kooxaha Somaliland 2026.

Hargeysa, January 25, 2026 (Haatufonline) – Ciyaar xiiso leh oo ka mid ah Horyaalka naadiyada Somaliland ee (Somaliland Champions 2026) oo loogu gudbayey Simi Finalka ama wareega afar dhamaadka ayaa garoonka Cabdalle Stadium ee magaalada Berbera ku dhexmartay kooxaha Dawladda Hoose ee Burco iyo kooxda Gaashaan ee Hargeysa.Ciyaartan oo ahayd mid xiiso leh ayaa ku soo dhamaatay gool la’aan labada kooxood ah sagaashankii daqiiqo ee ciyaartu socotay.Ciyaartan oo ahayd mid xiiso leh oo u dhaxaysa kooxdan Dawladda Hoose ee Burco iyo Kooxda Gaashaan ayaa waxa garoonka soo buuux dhaafiyey taageerayaasha labada dhinac oo ka kala socday Hargeysa iyo Burco, kuwaas oo dhinacwalba ay ku dhawaaqayeen guusha anagaa.Hase yeeshee gool ku laag ama (rigoorayaal) loo dhigay labada kooxood ayaa waxa ay guushu raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca Gaashaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*