Latest News

Kumanaan Ciidamada Itoobiya Ah Oo Basas Lagaga Daadgureeyey Dhulka Dawlad Deegaanka Soomaalida Iyo Jihada Loo Qaaday.

Jigjiga,November1,2020(Haatufonline)-Wararka Jigjiga soo gaadhaya ayaa sheegaya in labdi maalmood ee u dambeeyey dhulka Dawlad Deegaak Soomalida Itoobiya basas lagaga daadgureeyey kumanaan ka mid ah ciidamada Itoobiya.Ma jirto warar rasmiya oo ku saabsan jihada loo qaaday ciidamadaa tirada badan.Hasa yeeshee waxa loo badanaya in la geynayo waqooyiga Itoobiya halkaas oo u ka taaganyahay khilaaf sii xumaanaya oo u dhaxeeya dawlada dhexe ee u higaamiyo raiisalwasaare Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerkioo dhinac ah iyo maamulka gobolka Tigray ee ku yaala waqooyiga Itoobiya xuduudna la leh dalka Eritrea ee u hogaamiyo Debretsion Gebremichael oo isla markaana ah guddoomiyaha xisbul xaakimka gobolka ee TPLF.

Eritrea ayaa iyaduna sida la sheegay ciidamo soo daabushay xadka ay la leedahay Tigray waxaanay masuuliinta Asmara ay madaxda Tigreega ku eedeeyeen inay kasoo horjeedaan oo ay carqaladaynayaan hirgalinta heshiiski sanadki 2018 dhexmaray Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki ee lagu soo afjaray cooladi u dhaxaysay Itoobiya iyo Eritrea.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*