Labada Xisbi Mucaarid Ee Somaliland Oo Kulankii ugu horreeyey Yeeshay.
Hargeysa, July 12, 2025 (Haatufonline) – labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo KAAH, ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyey yeeshay.Kulankan oo ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta labada xisbi Ee Kaah iyo Kulmiye oo ay horkacayaan Gudoomiye Maxamed Kaahin Axmed Iyo Gudoomiye Maxamuud Xaashi Cabdi.
Kulankan ayaa lagaga hadlay dhawr qodob oo ay ka mid yihiin, Xoojinta Qaranimada Somaliland, Buuxinta doorka Mucaaridka, Xaaladaha Gobolka Sanaag, Abaaraha qaybo ka mid ah dalka ka jira iyo doorashooyinka ku soo foolka leh Somaliland.
Leave a comment