Latest News

M/weynaha Puntland Oo Abiy Axmed Ka Aqbalay Inuu Taageero Sidii U Farmaajo Mar Labaad Ugu Soo Bixi Lahaa Doorashada Dadban Ee Madaxweynaha Somalia Balse Imaaraatka U Sheegay Inuu Ka Diiday

Adisababa,November 4,2020(Haatufonline)-Raiisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan u yeedhay madaxweynha maamul goboleedka Puntland Siciid Deni markii ay kulmeenna afbuux ku yidhi waa inaad taageero siiso Farmaajo una ololayso sidii uu marlabaad ugu guulaysan lahaa doorashada madaxtinimada Somalia taasoo uu Deni ka aqbalay inuu fuliyo waxaanu Adisababa uga sii gudbay dalka Imaaraatka.

Hasayeeshe Mr Deni markii ay wada kulmeen masuuliin ka tirsan dawladda Imaaraatka wuxu ugu waramay si ka duwan wixii uu Abiy Axmed ugu balanqaaday iyadoo uu u sheegay inuu Abiy Axmed ka codsaday Deni ahaan inuu codadka Puntland ku taageero doorashada Farmaajo balse uu ka diiday codsigiisaa.

Abiy Axmed ,hogaamiyaha Eritrea ee Afwerki iyo dalka Qadar ayaa ka shaqeynaya sidii uu Farmaajo ugu soo bixi laha geedi socodka lagu soo xuli doono madaxweynaha Somalia horaanta 2021

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*