Latest News

Xulka Gobolka Maroodi-Jeex Oo 4 Iyo 2 Ku Diray Buhoodle

Hargeysa, November 5, 2020 (Haatufonline) – Ciyaar adag oo ka tirsan Rubuc dhamaadka ama Wareega 18aad ee Ciyaaraha Gobolada Somaliland ayay Galabta ay foodka isku Dareen Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium, Xulalka Buhoodle iyo Maroodi Jeex, waxaana Gobolada Maroodi-jeex 4 Gool iyo 2 uu kaga badiyey Buhoodle.

Ciyaartan oo ay ka soo qaybgaleen Taageerayaal baaxad leh ayaa xulka Gobolka Maroodi-Jeex waxa u suuragashay in Goolkii 4aad ay dhaliyaan markii ciyaarta qaybta labaad la isku soo noqday, waxaana Dhaliyey Laacibka Maroodi-jeex ee Weerarka uga Ciyaara ee GOVINDA, kaas oo soo celiyey rajada Jamaahiirta Marti-Galisay Ciyaaraha gobolada ee ka socda Caasimada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex.

Xulka Gobolka Maroodi-jeex ayaa Kaalinta labaad ka galaya Group-ka ay ka tirsan yihiin A, waxaanay leeyihiin 6 Dhibcood, halka gobolka Hawd oo ay isku Group yihiin ay kaalinta 1aad kaga jirto Group A, iyagoo leh 7 Dhibcood, waxaan Group A ka soo baxay Hawd oo kaalinta 1aad ah iyo Maroodi-jeex oo kaalinta 2aad ah.

Halka Xulalka Saraar iyo Buhoodle ay ka hadheen Group A, kadib markii ay ka badiyeen Gobolada Hawd iyo Maroodi-jeex oo ay ciyaareen maanta oo Khamiisa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*