Latest News

Ma Xaqba In Tujaartuna Ay Wali Argagixisada Masruufaan Dadna Ay La Dagaalankooda Naftooda U Huraan.

Muqdisho 30,2022(Haatufonline)-Ganacsatada Somalia ayaa aan wali u hogaansamin baaqyo isabel joog ah oo kasoo yeedhay xukuumadda oo nuxurkoodu ahaa in ganacsatadu joojiyaan lacagta baadda ah ee ay siiyaan kooxda Alshabaab taasoo lagu qiyaasay in sanakii ay Alshabaab kasoo galaan ilaa 120 milyan oo Doolar.

Dakhliga ugu weyn waxay Alshabaab ka helaan lacagta ay bixiyaan ganacsatada waaweyn sida shirkadaha isgaadhsiinta, baananka, xawaaladaha , tujaarta raashinka, daawooyinka ,qalabka dhismaha iyo cashuurta badeecadaha kasoo dega dekadaha Muqdisho,Bosaaso iyo Kismaayo.

Mawqifka ganacsatada ee diidan inay joojiyaan lacagta ay siiyaan Alshaabaab ayaa kusoo beegmaya xili uu dalka somalia ka dilaacay kacdoon dadweyne oo hubaysan oo ka dhan ah kooxda Alshabaab kaasoo kasoo bilaabmay gobolka Hiiraan oo haatan laga wada xoreeyey argagixisada balse hadda ku fidaya ilaa Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Hadaba waxa la isweydiinaya ma xaqba in dadna ay naftooda iyo maalkooda u huraan sidii dalka looga xorayn lahaa argagixisada Alshabaab ,ganacsatada dalkuna ay ka dhabar adaygaan joojinta taakulaynta dhaqaale ee ay siiyaan cadowga Alshabaab ee xalaashaday inay daadiyeen dhiigga shacabka muslimka ah een waxba galabsan???

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*