Latest News

Madaxewyne Ciro Oo Sheegay In Dalal Kale Ay Diyaar U Yihiin Inay Aqoonsadaan Somaliland.

Hargeysa, December 31, 2025 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa shacabka Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland uga mahadnaqay siday dalkooda u difaacayaan isla markaana ugu dabaaldegeen aqoonsiga Somaliland ay ka heshay dawlada IsraelMadaxweyne Ciro waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in dalka la difaaco gaar ahaana laga difaaco dagaalka qaawan ee dawalada Somalia ay ku soo qaaday Jamhuuriyada Somaliland.Mudane Ciro isagoo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa culimada Jamhuuriyada Somaliland oo muujiyey inay geesiyeyaal yihiin. Dagaalka la inagu soo qaaday ee waliba gaar ahaana ay Somalia inagu soo qaaday, hubka ugu weyn ee ay inoo adeegsatay si ay ugaga hortimaado Ictiraafkeena waa culimadooda, markaa waxay muujiyeen culimadeenu inay dadkooda la dareen yihiin, waxay muujiyeen in arinta diinta iyo danaha siyaasadeed ee dawladuhu ay galayaan in la kala saaro, waxay taageereen ictiraafka Somaliland. Markaa dhamaanteen waxay inaga mudan yihiin culimadu inaynu u mahad naqno.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), oo maanta hadal ka jeediyey kulankii todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada.Ugu dambayn sidoo kale Waxa uu madaxweyne Ciro uu u mahadnaqay qaybaha kala duwan ee saxaafada Somaliland kuwaas oo uu tilmaamay in aanay u kala hadhin difaaca qaranimada, madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland, waxaanay ayuu yidhi Madaxewyne Ciro waxay qaateen kaalintoodii.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*