Latest News

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Oromada Oo Si Adag Ula Hadlay Madaxda Amxaarada

Finnfine,December 6,2020(Haatufonline)-Madaxwrynaha dawlad goboleedka Oromada Shimelis Abdisa ayaa maanta si adag ula hadlay madaxda qawmiyadda Amxaarada waxaanu sheegay in aan wax laga badali doonin distoorka dalka Itoobiya ee federaalnimada ku dhisan balse ay wax walba sidoodii ahaandoonaan.Madaxweyne Abdisa ayaa ka jawaabayay hadalo maalmahan dambe kasoo yeedhayey madaxda dawladda ee kasoo jeeda qawmiyada Amxaarada oo ay ku sheegeen in wax laga badali doono qaabka federaalnimada ah ee ay dawladda Itoobiya ku dhisan tahay.Sida la ogsoonyahay Amxaarada ayaa sideedaba rabta in lagu noqdo nidaamkii ay kusoo caanomaashay ee awooda iyo talada dalku ku soo ururaysay dawladda dhexe wadankana Addis Ababa oo kaliya laga xukumayey.Hadaba hadalada noocaas ah ay waxa ka cadhooday shucuubta iyo qawmiyadaha kale ee Itoobiya dega waxaana markiiba dhaleeceeyey madaxaweynaha Oromda Shimelis Abdisa isagoo ku nuuxnuuxsaday in nidaamka Federaalnimada iyo dimuqraadiyadu ka hanaqaaday Itoobiya isla markaana ka jiri doono.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*