Latest News

Sarkaal Alshabaab Ka Tirsan Oo Somalia Kasoo Dagaalamay Oo Maanta Lagu Dilay Laaska

Laascaanood,February 8,2023(Haatufonline)-Waxa maanta mgaalada Laascaanood lagu dilay nin ka mid ahaa saraakiisha kooxa Alshabaab oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Warsame.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka ee Somaliland waxa uu ninkani ku dhintay dagaal maanta Laascaanood ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo koox maleeshiya ah oo uu Maxamad Warsame ka barbar dagaalamayey.

Dhinaca kale ciidankaSomaliland ayaa maanta fashiliyey qarax la doonayey in lala beegsado iyadoo ay ciidanku toogteen direewalkii waday booyad lagu soo xidhay walxaha qarxa oo si xawli ah ugu soo socotay dhinacooda waxaanay saraakiisha milatarigu noo sheegeen in booyadii barteedii lagu qarxiyey.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*