Madaxweynaha Somaliland Oo Gogol Nabadeed U Fidiyey Beelaha Wada-dega Gobolka Sanaag.
Ceerigaabo, July 16, 2025 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa maanta gogol nabadeed u fidiyey beelaha walaalaha ee wada dega gobolka Sanaag.Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.Kaas lagu tilmaamay in looga gol leeyahay si loo soo afjaro dhamaan shaqaaqooyinkii hore uga dhacay gobolka Sanaag.Gogoshan uu fidiyey Madaxweyne Ciro ayaa lagu qaban doonaa magaalo madaxda gobolkaasi ee Ceerigaabo.
Leave a comment