Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Safiirka Czech Republic Ee Fadhigiisu Yahay Addis-Ababa

Hargeysa, December 1, 2020 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Amb Pavel Mikes oo safar ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaas waxa lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh rasmi ah oo dhexmara dalalka Somaliland iyo Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta waxbarashada, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada shacbi.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu warbixin mugleh ka siiyey weftiga, horumarka iyo wax wada-qabsiga dawladnimada Somaliland ay halkan ku soo gaadhay, inay tahay isfahanka iyo wada shaqaynta dawladda iyo shacbigeeda oo heegan buuxa u ah inay ka mid noqdaan beesha caalamka, kana helaan wixii ay xuquuq ku leeyihiin, iyagoo buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa oo dhan.

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhammaaday is af-garad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka safarka shaqo ee uu ku yimid Dalka Somaliland.

Waxa kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan.

Dhinaca weftigana waxa safiirka ku wehelinaayey safiir ku xigeenkiisa Amb. Jaroslav Zukersein, Mr. Martin oo ah wasiirkii hore arrimaha gudaha ee Jamhuuriyada czech isla markaana hada ah maareeyaha guud ee VAE- gacantana ku haya mid ka mida shirkadaha ugu waa weyn Yurub iyo Mr Mubarak oo isna ka socday maamusha hay’adda VAE

 ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*