Latest News

Madaxweynaha Taiwan Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Somaliland Oo Uu Heshiis La Saxeexday.

Taipei, July 24, 2025 (Haatufonline) – Madaxweynaha dalka Taiwan, Lai Ching-te ayaa ammaanay heshiiska cusub ee ay magaalada Taipei ku kala saxeexdeen dawladaha Somaliland iyo Taiwan, waxaanu sheegay in heshiiskaasi uu soo kordhinayo cilaaqaad dhinaca badda ah oo ay labada dal yeellan doonaan.

Madaxweynaha Taiwan wuxuu sidaas ku sheegay hadal uu ka jeediyay warbaahinta Qaranka dalkaas mar uu qaabilay weftiga Wasiirka Arrimaha dibadda JSL, wuxuuna caddeeyay in iskaashiga ilaalada xeebaha ee labada dal qalinka ku duugeen uu yahay bog cusub oo u furmay cilaaqaadka labada dal.

Madaxweyne Lai Ching-te wuxuu sheegay in dawladaha kelitaliska ahi ay sii wadaan adeegsiga hindiseyaal cadaadis aarid ah oo ay ku xoojinayaan ololayaal ay kaga hortagayaan ka qaybgalka caalamiga ah ee Taiwan iyo Somaliland.

Madaxweynaha Taiwan wuxuu iftiimiyay xoojinta iskaashiga Somaliland iyo Taiwan uu tusmaynayo adkaysiga xulafada dimuqraaddiyadda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*