Latest News

Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Agabar Kaga Qaybgalay Aaska Laba Qof Oo Ku Dhintay Shaqaaqo Ka Dhacday Deegaankaasi.

Hargeysa, July 10, 2025 (Haatufonline) – Madaxweyne hore Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta deegaanka Agabar oo ka tirsan Gabiley kaga qayb galay aaska labada marxuum oo dhawaan ku dhintay shaqaaqo halkaasi ka dhacday.Labadan Marxuum ee maanta la aasay ayaa ku dhintay gacanta ciidanka Booliska Somaliland ka dib muran ka dhashay shirkadda Macdanta ka qoda deegaankaasi.Sidoo kale aaska labadan marxuum ayaa waxa ka qayb-galay hoggaanka xisbiga Kulmiye.Xukuumadda Somaliland iyo waxgaradka deegaanka Agabar ayaa gaadhay heshiis lagu xallinayo muranka.Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa ugu baaqay xukuumada talada haysa inay dajiso qorshe ku saabsan aaska dadka ku baxa gacanta dawlada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*