Latest News

Maleeshiyada Amxaaradu Meelkasta Oo Tigrayga Laga Qabsado Waxay Sudhaan Calankii Boqortooyadii Xayle Salaase Gidaaradana Waxay Ku Qoraan Amxaaraa Dhulkan Iska Leh

Humera,Tigray,November 23,2020 (Haatufonline)- Ciidamada Federaalka iyo maleeshiyada Amxaarada ee dagaalka kula jira ciidamada gobolka Tigray bishan 12 keedii qabsaday magaalada Humera ee ku taala dhinaca galbeedka gobolka Tigray barta ay iska galaan xuduudaha sadexda dal ee Ethiopia,Sudan iyo Eritrea .Wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo maanta booqday magaalada Humera ayaa waxa uu indhohiisa ku arkay maleeshiyada hubaysan ee Amxaarada oo calankii boqortooyadooda ka taagay meelo ka mid ah magaalada iyo kontaroolada wadooyinka.Waxa kale oo uu wariyehu arkay qoraalo lagu xardhay gidaarada oo odhanaya ‘Dhulkan Amxaaraa iska leh’.

Dhamaan magaalooyinkii Tigraga laga qabsaday ayaa waxa muumulkooda la wareegay dad ka yimid gobolka Amxaarada ee colaadda ba’ani u dhaxayso iyaga iyo Tigrayga taasoo la sheegay inay sii hurin doonto colaadda u dhaxaysa labada qawmiyadood ee Tigrayga iyo Amxaarada isla markaana sababi doonta in dagaalku sii riiq dheeraado.

.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*