Latest News

Maraykanka Oo Joojiyey Gargaar Uu Siin Jiray Somalia Ka Dib Markii Bakhaaro La Biliqaystay.

Washington, January 7, 2026 (Haatufonline) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegtay inay joojisay dhammaan kaalmada Maraykanka uu siiyo dowladda federaalka Soomaaliya kadib markii ay soo baxeen eedo sheegaya in mas’uuliyiinta dawlada Soomaaliya ka tirsan ay jabsadeen bakhaar uu yaalo raashin  uu lahaa  Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) raashin tiro badan oo gargaar cunto ah oo loogu talagalay dadka saboolka ah. Sida ay baahisay Warbaahinta AP.”Maamulka Trump wuxuu leeyahay siyaasad aan dulqaad lahayn oo ku saabsan qashinka, xatooyada, iyo leexsashada gargaarka badbaadinta nolosha,” ayay wasaaraddu Arimaha Dibada Maraykanku ku tidhi bayaan ay soo saartay. “Waaxda Arrimaha Dibadda waxay joojisay dhammaan barnaamijyada gargaarka Mareykanka ee socda ee ay ka faa’iideysan jirtay  Dowladda Federaalka Soomaaliya,”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*