Latest News

Masuul Sare Oo Ka Tirsan Maamulka Madaxweynaha La Doortay Ee Maraykanka Joe Biden Oo Ka Digay Xasuuq Ka Dhaca Maqale Kuna Baaqay In Colaadda Gobolka Tigray Lagu Soo Afjaro Wadahadal

Wilmington,November 25,2020(Haatufonline)-Jake Sullivan oo ah ninka uu madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden u magacaabsy inuu noqdo la taliyehiisa dhinaca ammaanka qaranka ayaa ka digay ku dhaqanka falal noqon kara xasuuq oo loo geysto dadka rayidka ah ee ku nool caasimadda gobolk Tigray.Waxa kale oo masuulkan sare ku baaqay in dagaalka ka aloosan gobolka Tigray xal nabadeed lagu dhameeyo.Jake Sullivan oo noqon doona guddoomiyaha golaha ammaanka qaranka ee Maraykanka qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitterka maanta waxa uu taageero u muujiyey dadaalka ururka Midowga Afrika ugu jiro sidii loo dhexdhexaadin lahaa loona wada hadashiin lahaa raiisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxda gobolka Tigray.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*