Latest News

Roobab Ka Da’ay Deegaamada Xeebta Ee Gobolka Saaxil

Berbera, November 25, 2020 (Haatufonline) – Gobolka Saaxil ayaa waxa ka da’ay roobab xoog leh 16-kii saacadood ee la soo dhaafay, mana jirto ilaa iyo hadda wax khasaare ah oo laga soo sheegay roobabkaasi inay gaysteen.

Hase yeeshee waxa jira laba guri oo qadiimi ahaa oo ku yaalay xaafadaha Barwaaqo iyo Daaroole ee magaalada Berbera oo roobabka ka da’ay magaaladu ay dumiyeen, sidoo kale waxa jiray daadad ka soo rogmaday roobabkaasi oo guryaha buux dhaafiyey.

Dhinaca kale Duufaanta GATI oo ku dhufatay xeebaha maamul goboleedka Puntland ayaa dadka deegaamadaasi khasaare u gaysatay, waxaanay wararku sheegayaan in ay duufaantaasi ku dhinteen 8 qof oo kalluumaysato Yemeni ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*