Latest News

Maxaa laga Filayaa Tigrayga Caawa Kol Hadii Caasimadoodii Maanta Duqeyntii Ugu Xumayd Loo Geystay.

FAALLADA Haatufonline November 28,2020

Diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya waxay maanta duqeyn culus u geystern caasimadda gobolka Tigray ee Maqale.Duqeyntan oo aheyd tii ugu xumeyd ee tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka u dhaxeeya ciidamada huwanta ah ee raiisalwasaaraha dawladda dhexe ee Itoobiya ka amar qaata iyo ciidanka maamulka gobolka Tigray horaantii bishan,ayaa waxa laga cabsi qabaa in ciidamada Tigraygu ay kaga dhabeeyaan hanjabaadoodii aheyd inay gantaalo la beegsan doonaan magaalada Asmara iyo Adisababa taasoo hadii ay dhacdo aan macneweyn u sameyn doonin sheegashadii raiisalwasaaraha Itoobiya ee galabta in ciidankiisu qabsaday magaalada Maqala.Waxaana suurtogal ah in Tigraygu ay maalin horeba Maqale ka gurteen wixii saanad ahaa ee halkaas u tiilay oo ay isu diyaariyeen dagaal riiq dheeraada oo ay ku go’doominayaan tartiib tartiibna ku diciifinayaan ciidanka Abiy Axmed ilaa inta ka hadhaa ka huleelayso dhulkooda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*