Latest News

Milatariga Ethiopia Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Dhigeen Caasimada Tigrayga

Addis Ababa, November 28, 2020 (Haatufonline) – Taliyaha ciidamada dalka Ethiopia ayaa sheegay in ciidamadoodu ay si buuxda gacanta ugu dhigeen caasimada gobolka Tigrayga ee Mekelle oo maanta ciidamada dawladu ay ku qaadeen weerar.

Sidoo kale Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay u suuragashay inay gudaha u galaan magaalada Mekelle iyagoo aan wax dhibaato ah u gaysan dadka shacabka ah.

Hase yeeshee maanta oo sabti ah ayaa waxa laga maqlay magaalada hubka culus ee Altalaryga, waxaana ku nool caasimada gobolka Tigrayga Nus Milyan qof, taas oo Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia uu doonayo inuu soo xidho Masuuliyiinta Ismaamulka Tigrayga ee dalka Ethiopia.  

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*