Latest News

Xildhibaan Gavin Williamson Oo Suuqyada Hargeysa Socod Ku Maray

Hargeysa, February 19, 2022 (Haatufonline) – Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka dalka UK, isla markaana dhawaan hordhigay golahaasi qadiyada aqoonsiga Somaliland ayaa socod ku soo maray suuqyada magaalada Hargeysa.

Xildhibaankan ayaa intii uu suuqa Hargeysa uubku sugnaa waxa uu la kulmay dadweyne si diiran usoo dhaweynayey oo uga mahadnaqay halka uu gaadhsiiyey qadiyada gooni-isku-taaga Somaliland.

Weftiga Xildhibaan Gavin Williamson oo sadexdii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa Somaliland ayaa maanta waxa

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, waxaa uu hadhimo sharafeed ku maamuusay weftigii ka socday Baarlamaanka dalka Ingiriiska, uu hogaaminayey xildhibaan Gavin Williamson, kaasoo u dooda qadiyada iyo madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland.

Casuumaddan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimey ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor, casuumaddan waxaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdirashiid Xirsi Cali, Taliyaha guud ee Ciidanka Qaran Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Xeebaha Sareeyo Guud Maxamed Xuseen faarax Hiirane, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yusuf, Taliyaha Ciidanka Socdaalka Sareeyo Guuto Maxamed XuseenCaalin, Taliye Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Safiirka Somaliland ee Dalka Ingiriiska Cabdi cabdilaahi, Xildhibaan Jamac Dubbe iyo saraakiil kale oo Xukuumadda ka socotay.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa warbixin dheer siiyey weftigan, taasoo ku saabsanayd guud ahaan dalka Jamhuuriyada Somaliland, nabadgelyada buuxda ee Somaliland ka jirta, xaalada abaaraha iyo sii xoojinta xidhiidhka labada Dawladood ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska. Arimahaa ayaa saldhig u ahaa kulankii muhiimka ahaa ee dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, oo ay wehelinayeen Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo weftiga Xildhibaanada ah.

Ugu danbayn Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidanka Qaran Nuux Ismaaciil Taani, ayaa gudoonsiiyey Weftiga Xildhibaanada ah Shahaado Sharafyo iyo Hadiyado kale oo muujinaya taariikhda qotada dheer ee Somaliland. Guud ahaan kulankan iyo qado sharaftan ayaa ku soo dhammaaday is-faham buuxa, taasoo sii jooinaysa xidhiidhka labada Dawladood.

Connect with us on Facebook