Latest News

Maxay Galabsadeen Dhalinyarada Ururka Alshabaab Ku Xasuuqay Meheradda Gelato Divino

FAALO Qore/ Cabdillaahi Xassan November 29,2020

Xabaal wadareed ayaa shalay lagu aasay 8 wiil oo dhalinyaro ah oo ku qudhbaxay qaraxi habeen hore ay argagixisada Alshabaab la beegsadeen meherad ku taal wadada garoonka Aadan Cadde oo loo yaqaanay Gelato Divino.

Dad dumar,caruur iyo dhalinyaro isugu jira oo goor fiid ah meheraddaasi ku weecday si ay ayskiriin (icecream ) yar ugu cunaan shaahna uga cabbaan ayaa waxa ku habsaday qarax uu fuliyey wiil ay madaxda Alshabaab maskaxda kasoo maydheen oo dabeeto aaminay inuu kalidii yahay Muslin dadka uu ku laynayo Gelato Divinana ay yihiin dad ridoobay oo diintii Islaamka ka baxay.Laakiin wuxu galaaftay oo uu nolashoodii dhaafiyey dhalinyaro soo kacayey oo hami iyo higsi lahaa oo ay isaga lafttisa isku da’ ahaayeen oon waxba galabsan.

Madaxda Alshabaab iyagu isma qarxiyaan laakiin waxay adeegsadaan caruur iyo da’yar ay khaldeen oo ay isoo dhiibaan suumanka la isku qarxiyo, mudooyinkan dambena Alshabaab waxaabay isu badaleen koox maafiya ah oo dadka handidaad iyo cagojuglayn ku baadda danna kama laha inay marwalba xasuuqaan haldoorka umadda iyadoo doraad oo u dambaysay ay dhimasho iyo halaag la beegsadeen dad iyagoo nabad ah goor caweys ah kau shaahaynayey Gelato Divinino.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*