Latest News

Nigeria Oo Cabasho Rasmi Ah Ka Muujisay Tayada Badeecadaha Uga Yimaadda Shiinaha

Abuja,April 26,2023(Haatufonline)- Dawladda Nigeria ayaa cabasho ka muujisay tayada badeecadaha uga yimaadda dalka Shiinaha.
Xooghayaha joogtada ah ee wasaaradda Warshadaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga Evelyn Ngige ayaa cabashadan kusoo hadal qaaday Shirweyne dhawaan lagu qabtay caasimadda Nigeria ee Abuuja oo lagaga hadlayey maalgashiga iyo baayac mushtarka u dhaxeeya Nigeria iyo Shiinaha.

Hawaynayda Evelyn Ngigi waxay sheegtay in badeecadaha Shiinaha ee loo soo dhoofiyo Afrika gaar ahaan dalka Nigeria ay ka tayo hooseeyaan kuwa loo dhoofiyo dalalka horemaray taasina ay carqalad ku noqon karto baayac mushtarka u dhaxeeya labada dhinac.
Masuulka dawladda Nigeria ayaa waxa kale oo ay ka cabatay fiisooyinka ay dawaladda Shiinahu siiso ganacsatada reer Nigeria iyadoo sheegtay in loo qabto muddo aad u gaaban oo ay ku joogi karaan dalka Shiinaha sidaas darteedna loo baahanyahay in dawladda Shiinuhu arinta dib u eegto oo muddo ku filan la siiyo ganacsatada u dhoofa dalka Shiinaha.

Shirweynaha Abuuja ayaa waxa kasoo qaybgalay Maayar ku xigeenka magaalada Changsha oo ah caasimadda gobolka Hunan ee dalka Shiinaha Kang Zhenlin waxaanu sheegay in Nigeria ay ka mid tahay sadexda dal ee Afrika ganacsiga ugu badan la leh dalka Shiinaha.
Waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in xijmiga baayac mushtarka u dhaxeeya Shiinaha iyo Nigeria u sanadkii 2023 gaadhay $1.086 billion

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*