Latest News

Midowga Murashaxiinta Oo Baajiyey Dibadbaxii Sabtida Go’aanna Ku Gaadhay Inay Qabtaan Mid Ay Iyagu Ciidan Ahaan Nabadgalydiisa Ka Masuulyihiin.

Muqdishu,March 5,2021(Haatufonline)-Midowga murashixiinta madaxweynaha Somalia ayaa dib u dhigay banaanbax ay soo qabanqaabiyeen oo  qorshaysna in laga dhigo magaalada Muqdisho Sabtida barrito waxaanay sabab uga dhigeen in maamulka madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo uu ciidamo farabadan kusoo daadiyey fagaaraha Daljirka dahsoon ee banaanbaxa lagu qaban lahaa isla markaana ay ciidamadu xidheen dhamaan jidadkii soo galayey iyo kuwii ka baxayey goobta daljirka dahsoon.
Mucaaridka ku bahoobay Golaha Midowga Marashaxiinta ayaa  Farmaajo iyo raiisalwasaarahiisa Rooble ku eedeeyey inay ka baxeen  heshiiskii ku saabsanaa qaabkii banaanbaxa loo dhigayey , sidaas darteedna ay qaban doonaan mudaaharaad ay iyagu ciidan ahaan masuul ka yihiin nabadgelyadiisa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*