Latest News

Mukhadaraad lagu qiimeeyey $130 milyan oo lagu qabtay biyaha Baxrul Carab

Haatufonline,November 23,2025

Markab lagu magacaabo Takuk oo ay leeyihiin ciidanka badda ee Baakistaan ayaa 16 kii bishan gacanta ku dhigay laba tan oo ka kooban kiniinka Methamphetamine oo saarnaa dooni shiraaci ah xili ay maraysay biyaha Baxrul Carab, meel 160 km u jirta xeebta dalka Cumaan.Kiniinka Methamphetamine oo loo isticmaalo daroogo ahaan ayaa waxa inta badan loo tahriibiya dalka Suucudiga iyadoo lasii mariyo dalka Yemen oo ay xad wada leeyihiin.Markabka Tabuk oo ka tirsan hawlgal ay ku bahoobeen 47 dawladood oo ay ka midiyiin Sucuudiga,Baakistaan, Maraykanka iyo Faransiiska,oo lagula dagaalamayo tahriibta mukhadaraadka iyo hubka ayaa asidoo kale bishi Oktoobar qabtay mukhadaaraad qiimahooda suuqa madow lagu qiyaasay hal bilyan oo doolar oo loo tahriibinayey dalalka Yaman iyo Khaliijka.

Ilaalada xeebaha ee Yamanta Koonfureed ayaa iyaguna labadii bilood ee u dambeeyey fashiliyey isku-dayo dalka lagu soo galinayey mukhadaraad laga soo diray dalka Iran oo Xuutiyiinta u socday. Mukhadaraadkaasi oo saarnaa doonyo yar yar ayaa lagu qabtay badda dhexdeeda.Waxa kale oo isla mudadaasi dhexdeeda lagu qabtay goobaha Kastamada u dhaxeeya koonfurta Yaman iyo Cumaan iyo Yaman iyo Sucuudiga boqolaal kun oo kiniinka Captagon-ka ah oo ay Xuutiyiintu doonayeen inay u tahriibiyaan dalka Sucuudiga.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*