Latest News

Nin ku eedaysan in akownkiisa lacag loo soo Marin Jiray alshabaab oo maxkamad la horkeenay

Haatufonline,August 4,2025

Ramadaan Caydaruus Cali ayaa Isniintii la horkeenay maxkamad ku taala Muqdishu kadib markii ay Xeerilaantu kusoo oogtay dambiyo kala ah inuu lacago akawnkiisa u marin jiray Aldhabaab iyo inuu lacag maydhis u samayn jirayba.

Alshabaab ayaa lagu tilmaamaa ururada hoosyimaadda Alqaacida ka ugu maalka badan iyadoo qayb ka mid ah dakhliga kasoo gala lacagta baadda ah ee uu Soomaalida ka urursado uu ku caawiyo kooxaha kale ee ka farcamay urur waynaha Alqaacida sida ka dalka Yaman ka hawlgala.Lacagahan oo ay dadka iyo ganacsatadu qasabka ku bixiyaan, waxa Alshabaab inta badan loogu shubaa akownno ka furan xawaaladaha,baananka iyo shirkadaha isgaadhsiinta Somalia ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba iyadoo dawladda Somalia ee musuqmaasuqu hadheeyey lagu dhaliilo inay ka indha qarsato arimahaasi iyo wax-ka- qabashadoodaba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*