Nin Xijaab labisan oo lagu qabtay Lowyacaddo
Haatuf Online,December 15,2025
Ciidanka amaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa todobaadkan magaalada xadka ku taal ee Looyocaddo ku qabtay nin labisan dharka xijaabka ah ee dumarku gashadaan.Ninkan oo magaciisa iyo magaca hooyadii ku kala sheegay Badri Cumar iyo Barwaaqo ayaa markii ay ciidamada amaanku wajigiisa ka dul qaadeen xajiibkii ayaa wuxu noqday nin.
Ma jirto ilaa hadda wax faahfaahin ama xogo dheeraad ah oo ay laamaha amaanku ka bixiyeen arinta ninkan,balse waxay ilo ku dhaw dhaw laamahaasi sheegeen in la tuhunsanyahay in qofka xijaabka lagu qabtay ka tirsanyahay ururada argagixisada.
Leave a comment