Latest News

Puntland Oo Qabatay Nin La Raadinayey Oo Ka Tirsan Daacish Oo Kasoo Baxsaday Buuhoodle

Haatufonline November 1 2025

Ciidamada sirdoonka Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay nin ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya (ISIS), kaas oo muddo lix bilood ah ku sugnaa magaalada xadka ku taalla ee Buuhoodle, halkaasna uu ka waday hawlo la xidhiidha isku xidhka xubnaha argagixisada ee ku sugan gobolka Sool iyo xadka buuralayda ah ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.Ninkan, oo sheegay inuu u dhashay dalka Sucuudiga, ayaa la qabtay isaga oo isku dayaya inuu dib ugu laabto Punland ,waxaanu kasoo baxsaday magaalada Buuhoodle markii uu ogaaday in lagu raad-joogo. Sida ay sheegeen ilo-amaanka ah oo magacyadooda aan la shaacin, ninkan ayaa intii uu ku sugnaa deegaannadaas guursaday gabar ka soo jeedda deegaanka Dhahar ee gobolka Sanaag bari, si uu u fududeeyo dhaqdhaqaaqyadiisa gudaha Soomaaliya iyo inuu yeesho isku xidh bulsho oo qarsoon.Saraakiisha sirdoonka Puntland ayaa sheegay in la filayo inuu bixiyo xogo muhiim ah oo ku saabsan isku xirnaanta iyo dhaqdhaqaaqa xubnaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku sugan aagga u dhexeeya Buuhoodle iyo Laascaanood.Wararka hordhaca ah ayaa intaas ku daraya in la bilaabay baaritaan iyo falanqayn xogeed oo ku saabsan xiriirrada uu la lahaa shabakadaha argagixisada ee gudaha iyo kuwa xiriirka la leh dalalka dariska.Dhanka kale, ciidamada ammaanka ayaa wada howlgallo lagu raadinayo nin labaad oo Yemeni ah, balse hooyadii ka soo jeedo beesha Dhulbahante kuna dhashay magaalada Baladweyne, kaas oo la tuhunsan yahay inay safar wada ahaayeen ninkii la qabtay.Khabiirada amniga ayaa rumeysan in ururka Daacish uu isku dayayo inuu saldhigyo cusub ka dhisto deegaanka u dhexeeya Buuhoodle iyo Dhahar, iyadoo la adeegsanayo guur iyo xidhiidho bulsho si loo fududeeyo isku xirnaanta iyo dhaqdhaqaaqa xubnaha gudaha ee Daacishta Soomaaliya.

Xog dheeraad oo aanu ilo kale ka helnay ayaa tibaaxaysa in ninka la qabtay la tuhunsanyahay inuu xil sare ka hayo urur waynaha Daacish

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*