Latest News

Puntland Oo Sheegtay In 20 Dagaalyahan Ay Ku Dishay Dagaal Ka Dhacay Buuraha Boosaaso Oo Ay Ku Qaaday Dablaydii Xabsiga Soo Weerartay

Boosaaso, March 5, 2021 (Haatufonline) – Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay soo af-jartay dagaal ay maanta ku qaaday kooxdii Alshabaab ee xalay weerartay xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, halkaas oo ay kala baxeen maxaabiis badan oo kaga xidhnaa xabsiga Boosaaso.

Qoraal lagu daabacay barta ciidanka nabad sugida Puntland ay ku leeyihiin Facebook-ga, ayaa lagu sheegay, in ay ciidamadu gacanta ku dhigeen maxaabistii ay rabeen Alshabaab iyo Daacish inay la baxsadaan.
Waxaa lagu sheegay qoraalka in ciidamadu ay dileen in ka badan 20 dagaalyahano ah iyo qabashada 4 maxbuus.
Dagaalka ayaa ka dhacay buuralayda ku dhow Bosaso, halkaas oo la sheegay in ay u jihaysteen dableydii weerartay xabsiga Bosaso iyo maxaabiista ay kalasoo baxeen, kuwaas oo qaarkood sanado dheer ku xukumnaa.
Ciidamada Puntland waxay soo bandhigeen sawiradda qaar kamid ah maydad lagu sheegay in ay ahaayeen dableydii dagaalka lagu dilay iyo tiro kale oo maxaabiis ah oo wajiyadooda lasoo bandhigay.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo Bosaso ku sugan ayaa la filayaa inuu qabto shir jaraa’id oo uu kaga hadlidoono sida uu maamulkiisu jawaab degdeg ah uga bixiyay weerarkii lagu qaaday xabsiga Bosaso.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*