Latest News

Ugu Yaraan 20 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Caasimada Somalia

Muqdisho, March 5, 2021 (Haatufonline) – Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay halka ay 30 kalena ku dhaawacmeen qarax gaadhi oo ka dhacay dibada makhaayad ku dhaw dekedda Somalia ee Muqdisho, xili dambe oo Jimcaha maanta ah.

Qaraxan ka dhacay makhaayada Luul Yemeni ayaa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho, waxaana la arkayey qiiq iyo uuro madow cirka isku shareertay kadibana waxa la maqlay rasaas xoogle oo dhacday, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, iyo warbaahinta gudaha ee Somalia.

“ilaa iyo hada waxaanu qaadnay 20 qof´oo dhintay iyo 30 kale oo ku dhaawacmay qaraxa,” sidaasi waxa wakaalada wararka ee Reuters ú sheegay Dr Abdulkadir Aden, oo ah aasaasaha gaadiidka gurmadka ee AAMIN Ambulance services.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*