Latest News

Puntland oo Sucuudiga iyo Turkiga ka dalbatay magdhawga khasaare ay u gaysteen xubnaha Daaciish ee u dhashay labadaas dal

Haatufonline,January 18,2026

Maamul-goboleedka Puntland ayaa labada dawladood ee Sucuudiga iyo Turkiga ka dalbaday inay magdhaw ka siiyaan khasaaraha iyo dhibaatada ay Puntland u gaysteen xubnaha Daacishta Somalia ee u dhashay labadaas dal.
Puntland oo sanadkii hore dagaal ku qaaday dagaalyahanda Daacish ee mudada dheer ku sugnaa silsiladda buuralyada Calmiskaad ee ku taala gobolka Bari, ayaa shalay soo bandhigtay tiro maxaabis ajaanib ah oo ka tirsanaa Daacish kuwaasoo cidamada Puntland ay kusoo qabteen dagaaladii dhacay.
Maxaabistan Daacish ee la soo bandhigay oo tiradoodu ahayd 50 ayaa badhkood waxay kasoo jeedeen Itoobiya halka shan iyo labaatanka kale ka kala yimaadeen dalalka Sucudiga,Turkiga,Marooko,Suuriya,Yaman iyo Tanzania.

Dhinaca kale Afhayeenka ciidanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Daacish laga sifeeyo dulka buurlayda ah ee gobolka Bari intiisii badnayd,idla markaana u halwgalkii Daacish lagu baacsanayey u haatan gabogabo yahay.
Afhayeenka ayaa mahanaq balaadhan u jeediyey dawladdaha Maraykanka iyo Imaaraatka kuwaas oo u sheegay inay ciidamadooda Puntland ka caawiyeen dagaaladii ka dhacay Calmiskaad.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*