Latest News

Qabsashada Alshabaab Ee Xerada Daynuunaay Iyo Qorshe Xumida Dawladda Ee Soo Noqnoqanaysa

Muqdisho,December 2,2022(Haatufonline)-Alshabaab ayaa shalay qabsatay xerada ciidanka dawladda Somalia ee Daynuunaay kadib markii ay ciidamada dawladdu halkaasi iskaga baxeen. Dhinac kasta marka laga eego isuma dhigmaan awoodda dawladda Somalia iyo ta kooxda Alshabaab oo waxa ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba boqolaal jeer saraysa awoodda dawladda. Waliba waqtigan xaadirka ah waxa cududda milatari ee dawladda kusoo biiray oo ay isgarabsadaan maleeshooyinka qabaa’ilka ee loo yaqaan Macawislaydda. Hasa yeeshee marka la isbarbar dhigo xeeladaha iyo qorsheyaasha milatari ee ay Alshabaab ku dagaal gasho (military strategy & tactics) iyo kuwa ay dawladdu adeegsato waxa muuqata in dhinacaas ay ku gacansarayso kooxda Alshabaab. Waana sababta ilaa hadda kooxda Alshabaab u suurto galinaysa inay fuliso hawlgalo qorshaysan oo ay ujeeddo milatari iyo mid siyaasadeedba ka leedahay iyadoo kolba abbaaraysa yool cusub halka ay ciidamada dawladdu ay meel xero ah ku urursanyihiin oo ay inta badan qorshe la’aan ku dagaal galaan.

Xeeladah iyo qorsheyaasha dagaal ee Alshabaab waa qaar marwalba la jaanqaadaya duruufaha siyaasadeed iyo militari ee isbadalaya. Tusaale ahaan shalay waxay Kaba Kutukade oo ah nin Abgaal ah u magacaabeen guddoomiyaha Alshabaab ee Shabeellada Dhexe. Isla shalayna waxay qabsadeen xeradi Daynuunaay. Ujeedada ay Kaba Kutukade ay ugu soo celiyeen jagadi ay 2 sano ka hor ka badaleen waxa qasbay durufaha siyaasadeed ee cusub ee ka dilaacay deegaankaasi oo waxay rajaynaayaan in Kaba Kutukade wax ka qabto sidii aanay beesha Abgaal uga qaybgali lahayn dagaalka ka dhanka ah Alshabaab gaar ahaan weerarka la filayo in ciidamada dawladda iyo Macawislaydu ku qaadaan xarunta weyn ee Alshabaab ku leedahay Aadan Yabaal. Waxa kale oo aynu baryahanba arkaynay in Alshabaab intay xero ciidan soo weerarto oo ay qabsato ay hadana ka baxdo. Hadaba sababta ay caynkaas u samaynayso iyo faaiidada ugu jirtaa waxa weeye :

(1) In ciidamada dawladdu aanay ladin oo ay marwalba difaac ku jiraan halkii ay ka baacsan lahaayeen Alshabaab.

(2) Inay ciidamada gaadhsiiyan khasaare dhaawac iyo dhimashaba leh.

(3) Inay hub iyo rasaasba soo furtaan.

(4) Inay niyad jabiyaan Macawislaydda.

(5) In si aanay iyagu yool u noqon oo khasaare usoo gaadhin ay iskaga baxaan xerada ay qabsadaan.(waxa suurto gal ah in Alshabaab ay iskeed uga baxdo xerada Daynuunaay).

Hadaba dawladda Somalia waxa la gudboon inay la timaaddo istraatiijiyad siyaasadeed iyo mid dagaal oo ay kala hortagto argagixisada Alshabaab.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*