Latest News

Qodobo Laga Soo Saaray Shirkii Tobanka Urur Siyaasadeed Iyo Xukuumada Somaliland Dhexmaray

Hargeysa, Fèbruary 12, 2023 (Haatufonline)-Shir xalay ka dhacay Qasriga Madaxtooyada oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna Wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulankii labaad ee loo balansanaa maanta oo Axad ah, laga soo saaro Go’aamadii ay u balameen shirkii kan ka horeeyey Tobanka Urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka Xisbiyada Qaranka Somaliland iyo Xukuumaddu Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoddobada ka soo baxay Shirku waxay u dhignaayeen sidan:-

1) In arrimaha Qaranka Ururada iyo Xukuumaddu meel uga soo wada jeedsadaan, waxkasta oo Qaranka ku yimaadna si midaysan looga hortago.

2) In xaaladda Laascaanood lagu soo dabaalo nabad iyo wada-hadal, si xal waara loo gaadho.

3) In madaxda Ururaddu ay taageereen xabad joojinta xukuumaddu ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen dhanka kale in ay fuliyaan, sidoo kale waxay hoggaamiyeyaasha Ururadda iyo xukuumaddu isla garteen in la sii wado dadaalka nabada ee Laascaanood.

4) In Ururadda siyaasadu gacan buuxda ka geystaan xal u helidda Colaadda Laascaanood.

5) In Qaran ahaan Taakulo iyo Gurmad deg-deg ah loo fidiyo bulshadda ka barakacday Magaaladda Laascaanood.

6) In ururadda siyaasaddu leeyihiin xuquuq siyaasadeed oo la mid ah ta xisbiyaddi hore, islamarkaaa ay qayb ka yihiin taladda iyo wada-hadalkasta oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

7) Ugu danbayn, waxa si wadajira la iskula gartey in Ururaddu ay iska soo saaraan hal-hal xubin oo qayb ka noqda taladda iyo wada-hadalada doorashooyinka.

ALLAA MAHAD LEH

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*