Saamaynta caalamiga ee iskaashiga xagga badda ee u dhaxeeya Alshabaab iyo Xuutiga
Haatufonline November 8,2025
Qabsashadii markabka Giriigga ee Hellas Aphrodite, oo ka dhacday meel u jirta xeebta Muqdisho in ka badan 1,000 kiiloomitir, ma ahayn fal budhcad-badeednimo caadi ah. Waxa ay ahayd hawl si xeel dheer loo qorsheeyay oo muujinaysa in budhcad badeeda ku xidhan ururka Al-Shabaab ay heleen awoodo cusub oo dhanka badda iyo hawlgallada ah. Awoodahan cusub ayaa u muuqda kuwo uu ka haleen tababaro iyo taageero sahayeed oo ay Xuutiyiintu siiyeen.
Arrintani waxay iftiiminaysaa heer cusub oo khatar ah oo iskaashi ah oo u dhexeeya labadan kooxood ee Xuutiyiinta iyo Alshabab ee ay Iiraan taageerto, taas oo u suurto-gelinaysa Al-Shabaab inay awoodooda ku fidiyaan meel aad uga fog xeebaha Soomaaliya, isla markaana khatar cusub ku keenta maraakiibta caalamiga ah ee maraysa marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Iskaashigan cusub wuxuu muujinayaa is-ku-xidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya kooxahau argagixisada ee gobolka, kuwaas oo ay mideeyeen danaha Iran iyo ujeeddooyinka ay ka leeyihiin marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Baab-al-Mandab, Badda Cas iyo xeebaha Badwaynta Hindiya.Ujeeddada labadan kooxood ma aha oo keliya inay helaan dhaqaale ama saameyn siyaasadeed, balse waxa taas u dheer inay fowdo iyo cabsi ku fidiyaan marin-biyoodka caalamka, si ay khatar u geliyaan ganacsiga iyo badbaadada maraakiibta shisheeye.
Haddii ay sii socdaan falalka noocan oo kale ahi, waxay dhaawici karaan isku-xidhka ganacsi ee u dhexeeya Aasiya, Afrika iyo Yurub. Sidaas darteed ka fursan mayso in xukuumadaha gobolka, gaar ahaan Yemen,Somaliland iyo Jabuuti, iyo ciidamada caalamiga ah ee badda ee mandaqada ku sugan ay iskaashi dhaw ka yeeshaan sidii looga hortagi lahaa isku xidhka argagixisada badda iyo kuwa dhulka.Caalamku waa inuu fahmaa in khatartan cusub aysan ahayn mid ka dhalatay burcad-badeednimo dhaqameed, balse ay tahay isbahaysi militari oo leh xadhiidh siyaasadeed iyo dhaqaale. Marka la eego awoodda ay kooxahan u leeyihiin in ay carqaladeeyaan maraakiibta ganacsiga, waxaa lama huraan ah in la sameeyo iskaashi caalami ah oo dhanka ilaalinta badaha iyo la dagalaanla argagixisada
Leave a comment