Latest News

Safiirkii Somalia Ee Qadar Oo Diiday Inuu Xamar Soo Galo Iyo Dawladda Qadar Oo La Ogaysiiyey In La Eryey

Dooxa,March 8,2023(Haatufonline)-Safiirkii Somalia u fadhiyey dalka Qadar Cabdirizaaq Taano ayaa la badalay ka dib markii ay dawladda Somalia sadex jeer uga digtay inuu faraha kala baxo arimo qabyaaladeed oo uu ka wayday gudaha magaalada Dooxa balse uu ka dhago adaygay.

Taano oo kasoo jeeda beesha Mareexaan ayaa intii aan la eryin ay dawladda Somalia u dirtay waraaq yeehmo ah inuu Xamar soo galo hasa yeeshee wuu diiday inuu sidaa yeelo taasoo keentay in xilkii laga qaado isla markaana dawladda Qadar sidaas lagu ogaysiiyo.

Cabdirizaaq Taano ayaa waxay xukuumadda Somalia ku qoonsatay abaabul colaaded oo u ka dhex waday jaaliyadda Soomaalida ee deggan dalka Qadar iyadoo uu dadka kasoo jeeda beesha Daarood shirar isdaba joog ah oo ku aadan dagaalka Laascaanood ugu qabtay magaalada Dooxa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*