Latest News

Saraakiil Ka Tirsan Somalia Oo Ka Walwalsan In Go’aanka Lagu Xakamaynayo Duqaymaha Maraykanka Ay Ka Faa’iidaysato Al-Shabaab

Muqdisho, March 7, 2021 (Haatufonline) – Saraakiil sar sare oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa ka walwalsan amarka cusub, ee lagu soo rogay weerarada cirka ee Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya, taasoo hadda kadib loo baahan yahay in Aqalka Cad laga saxeexo hawlgalada.

Go’aankaan ayaa la sheegay inuu keenayo in Al-Shabaab oo dagaal joogto ah kula jirta dowladda federalka iyo ciidamada Amisom ay bilaabi doonaan in ay xoog isku urursadaan.
Sarkaal sare oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in tallaabada aqalka cad ay la micno tahay in hogaamiyaasha Al-Shabaab ay ka soo baxayaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.n
Sarkaalka wuxuu sheegay in haddii Alshabaab xoriyad la siiyo ay bilaabi doonaan inay mar kale dad aad u tiro badan soo urursadaan ayna hubkooda banananka ulasoo baxaan, taasoo uu sheegay in ay dhaawacayso amniga Soomaaliya.
Qiyaastii ugu dambeysay ee sirdoonka Mareykanka ayaa tilmaamaysa in Al-Shabaab ay ka amar qaataan ilaa 10,000 oo dagaalyahano ku baahsan Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah Kenya. In kastoo uu saaran yahay cadaadis joogto ah.’

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*