Latest News

Dawlada Somalia Oo Sheegtay In 48-Saacadood Ee U Dambeeyay 20 Qof Ay U Geeriyoodeen COVID19

Muqdisho, March 06, 2021 (Haatufonline) – Tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid19 ee dalka Somalia ayaa sii kordhaysa maalinba maalinta kasii dambeysa, sida ay sheegtay Wasaarada caafimaadka Somalia.

48-saacadood ee lasoo dhaafay ayaa dalka Somalia waxa laga diiwaangaliyey 20 dhimasho ah iyo 191 kiis oo cusub oo qaaday xanuunkaasi, sida ay baahisay maanta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

144 kiis oo kamid ah kiisaskaan ayaa laga helay magaalada Muqdisho, xilli halkaas laga dhaqan galiyay awaamiir lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka Covid-19.

Halka Jubbaland laga diiwaan galiyay 16 qof.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay in ay 31 qof ka bogsadeen cudurka.

Waxaa laga cabsi  qabaa in uu dalka soo gaaray nuuca cusub ee Coronavirus, waxayna dowladdu ka war sugaysaa baadhitaanno dibadda loo diray oo dhawaan la helidoono.

Inkastoo cudurka si aad ah u faafayo haddana weli dadka Soomaaliyeed si dhab ah uguma baraarugsana halista cudurka iyo sida dadku ugu geeriyoonayaan maalin kasta.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*