Latest News

Sarkaal Xuutiya Oo Iskaraab Ahaan U Iibyey 3 Diyaaradood Oo Yemen Airlines Lahayd

Haatufonline May 12,2025.Sarkaal sare oo ka tirsan Xuutiyiinta ayaa iskaraab ahaan u iibiyey sadex diyaaradood oo ay lahayd shirkadda Yemen Airlines oo todobaadkii hore ku waxyeeloobay duqayntii Israel ku qaadday madaarka Sanaca .Sarkaalkan ayaa maamulkii madaarka xoog kagala wareegay sadexdii diyaaradood ee dhaawacu soo gaadhay,waxaanu u daabulay gudaha magaalada Sanca halkaasoo uu kaga faasaxay niman ganacsato ah.Yemen Airlines waxa u badbaadday diyaaraddi afraad ee ay lahayd oo iyadu ku maqnayd dalka Urdun markii ay duqayntu dhacday.Dawladda Yaman ee la aqoonsanyahay ayaa dhawr jeer Yemen Airlines ku amartay inay Sanca dhinaca Cadan uga soo guurto hasa yeeshee Yemen Airlines oo ahayd shirkad dawladeed ayaa ka dhago adaygtay amarkaasii.Heshiis xabad joojin ah oo la gaadhay sanakii 2022 ayaa waxa ka mid ahaa qodob ay Xuutiyiintu danaynayeen oo lagu ogolaaday in Yemen Airlines ay u duusho caasimadda dalka Urdun ee Cummaan oo kaliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*