Senator Cismaan Dube Oo Is-casilay
Muqdisho, December 28, 2025 (Haatufonline) – Xildhibaan Cismaan Dube oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Somalia isla markaana asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa maanta duhurkii ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba iska casilay ka mid noqoshadii aqalka sare ee Baarlamaanka Somalia.Mr Dube ayaa is-casilaadiisa ku sababeeyey kadib markii sida uu sheegay shacabka Somaliland ay dagaalo iyo cadaadisyo xoogle ay kala kulmeen dawladda uu ka tirsan yahay ee taagta daran ee Somalia.Xildhibaankan ayaa hore uga soo noqday Somalia Wasiirka Warfaafinta, waxaanu mar uu la hadlayey warbaahinta Somalia uu ugu baaqay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud inuu joojiyo nacaybka iyo cunfiga uu u qabo shacabka Somaliland.Is-casilaada Xildhibaan Cismaan Dubbe ayaa ku soo beegmaysa kadib markii maalintii doraad 26 bishan December ay Somaliland aqoonsi buuxa ay ka heshay dawladda Israel.Dhinaca kale waxa guud ahaan gobolada Somaliland ka socda damaashaad iyo debaaldegyo lagu muujinayo Aqoonsiga ay Somaliland ka heshay Dawladda Israel, halka dawladda Taagta daran ee uu hoggaamiye Xasan Sheekh Maxamuud ay jahawareer ka qaaday Aqoonsigii ugu horeeyey eee ay Somaliland ka heshay Israel.
Leave a comment