Latest News

Siyaasadii Farmaajo & Jaamac Garaad Cali oo Socon Wayday Oo Mar Qudha Intay 360° Jirjir Cadka Isu Rogtay Puntland Ku Soo Ururtay

FAALLO March 6,2023 Ibraahim Caydiid

Sheeko ama arin kastaa siday ku bilaabantay hadaanad la socon waxaa kugu adkaanaya fahamka waxa soconaya. Dagaalka Laas-caanood waxa uu ahaa mid mudo laga shaqaynayey oo ay hormuud ka ahaayeen kooxdii Farmaajo ee la baxday N & N & weliba xulufooyin ay samaysteen. Kooxdaasi waxay heshiisyo dhagaraysan ay la soo gashay Dawladaha Jaarka waxaana u qorshaysnayd iyadoo Dawladaha Jaarka garabsanaysa in Somaliland xoog lagu qabto ilaahayse kama dhigin. Sidoo kale markii ugu horaysay ayey u suuro gashay in gudaha Somaliland ay ku yeeshaan Wakiilo Siyaasadeed oo ay doonayeen in Madax looga dhigo Somaliland, kuwaas oo ololihii 2017kii ay Dawlada Qatar oo Fahad & Farmaajo ay wakiil ka yihiin ay ku bixinayeen lacago badan.

Markii Doorashadii uu ku guulaystay Muuse biixi waxaa la abuuray xaalad la doonayey in Dalka lagu galiyo Dagaal, taas oo Bariga & Galbeedkaba laga abuuray Jabhado kuwaas oo weliba meel fagaare ah uu kaga faanay musharax ku xigeenka Xisbiga Waddani Maxamed Cali oo Dadka u sheegay inay abuureen Jabhado rajo abuuraya.

Ciidamada Dawladii Farmaajo ay u dirtay Dalka Eritrea waxay u badnaayeen Reer Laas-caanood & Buuhoodle, waxaa la qorsheeyay in Somaliland laga soo galo dhinaca Dhulbahante, Garxajis & Gadabuursi sidaana lagu burburiyo Dawladnimada Somaliland ka jirta oo ahayd halka qudha ee Somaali ka fayoobayd ama horumar samaysay. Damacii & qorshihii noocaas ahaa waxaa wax ka bedalay Farmaajo oo wakhtigii ka dhamaaday & Doorashadii oo lagaga guulaystay. Markii Dawlada Madaxweyne Biixi ay dagaalkii & duufaankii u samaysatay saaxiib Taiwan & Maraykan la yidhaa ee la arkay in gushii Somaliland ay socoto ayaa mar kale la qorsheeyey in Dagaalo lagu furo tiiyoo la isku halaynayo Dawladaha Jaarka & Shiinaha & weliba kooxihii gudaha laga samaystay. Xisbiga Wadani oo mar kasta qayb ka ahaa Dagaalka kooxda Farmaajo ayaa si badheedh ah u taageeray Shiinaha halka Dawlada Madaxweyne Muuse Maalaayin Doolar oo loogu balan qaaday ay u diiday qorshaha ay Somaliland ku badbaadinayso awgeed.

Dagaalkii mar danbe ayey kooxda Farmaajo soo qaaday waxaana la inaga soo galay Laas-caanood, waxaa kale oo qorshaysnayd labada deegaan ee Garxajiska & Gadabuursiga oo in badan la isku dayey in ayagana dhibaato laga sameeyo laakiin lagu fashilmay. Markii lagu guulaystay in Laas-caanood la dhibaateeyo waxaa qayb wayn ka ahaa kooxda Farmaajo & gudida G21 oo dhinaca Somaliland iyadana uu Wakiil uga yahay Cabdirisaaq Khaliif .Runtii Dawlada Xasan Sheekh way fahamtay waxa Laas-caanood ka socdaa in Farmaajo & kooxdiisii N & N ay wadaan waanay ka gaabsatay inay kacdoonka Laas-caanood taageerto Dawlada Federalku. Weftigii ugu danbeeyey ee Dawlada Ethiopia ay u soo dirtay Garoowe oo Garaadada ay halkaa ku kulmeen waxa uu meesha ka saaray teegeeradii Ethiopia ay ka filayeen, kuwaas oo sidii Xasan Sheekh aayaguna ku yidhi “Xabada joojiya Somalilandna wada hadla” .Waxa kale oo ay Weftigi u cadeeyeen Garaadada in Laas-caanood ay ka dagaalamayaan kooxo argagaxiso ah ayaga oo hor dhigay cadaymo badan oo ay ku qanciyeen Garaadada. Hada Garaadadii Siyaasiyiintii Somaliland ka soo hor jeeday waxay isla garteen in dariiqa kaliya ee furani uu yahay in Puntland lagu biiro, taas oo ay ka biyo diideen beesha Jaamac Siyaad oo tidhi “haday Puntland noo tahay waxaa noo dhaanta Somaliland oo aanu ka sii mid ahaano”

Cabdirisaaq Khaliif & Garaad Jaamac Ismaaciil oo ay siyaasadoodu ahayd ta Farmaajo ee ay Puntland ka guulaystay ayaa maanta cidla fadhiya waana sababta Cabdiraxmaan Ciro uu Puntland u eedaynayey ee uu Farmaajo oo arintaba wadayna uu uga gaabsaday. Hada waxaa la doonayaa in Cabdirisaaq Khaliif oo cidla lagaga guuray la inooga dhigo mid Somaliland u maqanaa oo arinta Puntland ka hor yimi.

Allahayaw Nin Daacad ah Allahayaw Nin Daallin ah Deeqdaada ha u simin La soco qaybaha danbe….

#Al_xaqiiqa

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*