Siyaasi Faysal Cali Waraabee Oo ka hadlay Hubka Puntland Qabatay, Somaliland Ugu Baaqay Inay Hurdada Ka Toosaan.
Hargeysa, July 19, 2025 (Haatufonline) – Siyaasi Faysal Cali Xuseen ayaa ka hadlay hubka ay qabatay Puntland oo la sheegay inuu u socday dawlada Xasan Sheekh Maxamuud ee Somalia.
Faysal Cali Waraabe waxa uu shacabka iyo dawlada Somaliland ugu baaqay in hurdada laga tooso.
Faysal Cali Waraabe hubkaasi la qabtay iyo sida uu hubku ugu qulqulo Somalia ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Somalilandey, shacab iyo dawladba hala tooso. Waa kuwaa reer Garoowe la dagay hubkii sharci-darrada ahaa ee Xasan Guurguurte ku doonayey in lagu weeraro Somaliland iyo maamulka Garoowe iyo Kismaayo, isagoo talada ka wata meelo aannu ognahay.Haddaba, mushkiladdu waxa weeye dhulkan lagu hirdamayo ee Khaatumo iyo Puntland State ula baxeen ee dhulkeennii ah, kolba kii sii adkaadaa innaguu innagu soo maqan yahay. Innagana dawlad, shacab iyo siyaasiyiinba waa la ina la’ yahay. Markaa haddii aynnu innagii gaadh iska haynno, cid iska celin mayno.Madaxweynaha xilku isaga ayuu saaran yahay, waxaan ugu baaqayaa adigaa if iyo aakhiraba shacabka wixii soo gaadha lagaala xisaabinayaa, waa inaad keentaa talo qaran oo dalka lagu difaacayo, annaguna aannu hareeraha iska kaa taagnaa oo ilaa madaxweynihii hore Muuse Biixi, waxa maanta loo baahan yahay in gacmaha laysku qabsado difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu soo duulay.Waxa innagu soo biiray arrimo aan hore u jiri jirin; waxa innagu soo biiray qayb innaga mid ah oo dantoodii ka dhex aragtay Xamartaas baaba’san. Taladeenna waynnu u madax-bannaanaan jirnay, laakiin hadda dawlado kale gacmaha la soo galeen. Waxa innagu soo biiray innagoo hadda la inala kala qayb-qaybiyey oo kelmaddii ay lahaayeen ee ahayd aynnu kala qayb-qaybinno aad mooddo inay u hirgashay.Waxa nasiib-darro ah ummadeennaas 35ka sanno adkaysanaysay ee rejada iyo nabadda ku noolayd ee cashuurta bixinaysay in lagu soo duulo oo dhulkeennii la qaybsado innagoo sidaas u arkayna.Sidaa daaradeed, maanta xaalku ma joogo mucaarad iyo muxaafad ee waa in loo midoobo Jamhuuriyadda Somaliland, wax kasta oo dhexdeenna ahna waa inaynu meel iska dhigno oo aynu gacmaha isku qabsano ‘Somaliland”
Leave a comment