Somalia oo ku dhawaaqday hawlgal Shabeellaha Hoose Lagaga safaynayo Alshabaab
Haatufonline,March 7,2026
Dawladda Somalia ayaa todobaadkan ku dhawaaqday hawlgal militari oo lagu magacaabay “Rolling Thunder” kaasoo ay sheegtay in gobolka Shabeellaha Hoose lagaga safaynayo maleeshiyadda Alshabaab isla markaanu lagu ugaadhsanayo horjoogeyaasha kooxdaasi ee ku sugan deegaanada hoos yimaadda gobolkaasi.
Ciidanka Somalia waxay sheegeen in hawlgalkan oo ka bilaabmay Muqdisho horaantii bishan March uu hadda ku fiday Shabeellaha Hoose iyadoo ay taageerayaan ciidamada Uganda ee ka tirsan AUSSOM iyo waliba saaxiibbo caalamiya.Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Somalia ayaa wuxu sheegay in ujeedooyinka halwgalku yihiin in : la burburiyo goobaha muhiimka ah ee Al-Shabaab saldhigga u ah ,la jaro marinada ay kooxdu u isticmaasho hawlahooda ,la wiiqo awoodda hawlgal ee kooxda, lana bartilmaameedsado xubno lagu tuhunsan yahay inay weerarro qorshaynayaan iyo in la adkeeyo amaanka shacabk,lana ilaaliyo goobaha wax-soo-saarka iyo beeraha.
Dhinaca kale wasaaradda gaashaandhiga Somalia ayaa sheegtay in hawlgalka Rolling Thunder uu socon doono bisha Ramaadan.
Leave a comment