Latest News

Somaliland Oo Dhisaysa Wadada LAWYACADO-ZEYLAC-FARDAHA-BORAMA

Hargeysa, March 22, 2024 (Haatufonline) – Wasiirkii hore ee Wasaarada qorsheynta Qaranka Somaliland, Md. Cawaale Ibraahim Shirwac, ayaa Xukuumadda Somaliland uga mahad-celiyay dhmaystirka, WADADAD, LAWYACADO-ZEYLAC-FARDAHA-BORAMA ay dhamaystirantay. DAWLADA SOMALILAND.
Sidaas waxa uu Ex.Wasiir Cawaale ku Baahiyay Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook. kaasoo u dhigan sidan.

“….Waxa ilaahay Mahadii ah in hawshii WADADAD, LAWYACADO-ZEYLAC-FARDAHA-BORAMA ay dhamaystirantay. DAWLADA SOMALILAND gaar ahaan Wasaarada Horumarinta Maaliyada ee Somaliland ayaa dhamays tirtay wixii ugu danbeeyay.

Hore waxa ay uga soo dhamaatay qorshaha iyo qarashka Wadadani dhinaca deeq bixiyayaasha ee African Development Bank. Waxa aan rabaaa in aan u mahadnaqo WASIIR Sacad Ali Shire oo aan laba Wiig ka hor ku kulanay Magaalada LONDON UK, aaadna aan u xidhiidhanay beryahan u danbeeyay uu si daahfuran liga waramay carqaladaha farsamo ee taagnaa.

Maanta waxa aan keliya in aan u mahadnaqo dad Aad u tiro badan Somalilanders iyo Dad Somalilanders ahayn oo Aad inoogala shaqeeyay Helista kharashka lagu fulinayo mashruucan.

Waxa aan u mahadnaqayaa DAWLADA Somaliland oo ilaa bilowgii qayb ka ahayd qorshaha WADADAN.

Waa GUUL inoo soo wada hoyatay Reer Somaliland ivo Umada ku nool degaanada aadka ugu liita xaga wadooyinka ee AWDAL IYO SALEL. Waxaan rejaynayaa in aan Mashruucan u fulin doono qaabkii aan u fulinay mashaaricihii waaweynaa ee adkaa sida Berbera Corridor iyi Mashruucii Wadada Burco illaa Ceerigaabo.

Wax ilaahay mahadii ah in aduunyadu inaga taageerayso maal gelinte wadadan muhiimka ah.
Dadka Reer Awdal ivo Reer Salen ivo Reer Somaliland Gabi Ahaanba Caawa warkani farxad buu u yahay. Cadowga Wadankeenuna wuu ka naxayaa warkan fiican caawa.
Guul iso Gabonimo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*