Somaliland Oo Joojisay In Diyaarada Air Jabuuti Ka Hawlgasho Dalka.
Hargeysa, January 6, 2026 (Haatufonline) Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in xukuumada Somaliland ay joojisay Diilimaadyadii Diyaarada Jabuuti ay kaga hawlgalaysay Somaliland.
Talaabadan Somaliland xayiraada ku saartay Diyaarada Jabuuti ayaa timid ka dib markii Somaliland ay u yeedhatay Wakiilkii ka joogay dalkaasi Jabuuti.
Xiisadan diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa Jabuuti iyo Somaliland ayaa ka dhalatay aqoonsigii Somaliland ay ka heshay 26 December dalka Israel, Aqoonsigaasi oo Jabuuti ka hor timid isla markaana ay la safatay Somalia intii uu socday kulankii golaha amaanku uu yeeshay todobaadkan.
Leave a comment