Somaliland Oo Sheegtay Inay Raysal Wasaaraha Qatar Kala Hadashay Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.
Hargeysa, June 30, 2025 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo safar aan hore loo sii ogayn maalintii Sabtida ugu baxay dalka Qatar ayaa maanta kulan la yeeshay Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, H.E. Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Bin Jasim Al-Thani.
Kulankan ayay Somaliland sheegtay in lagaga wada hadlay horumarinta iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Qatar.
Waxaanay Labada dhinac isla jeex-jeexeen fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, waxbarashada, iyo maalgashiga, iyada oo ujeedadu tahay horumarinta kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar waxa kale oo ay ka wada hadleen Nabadda iyo Xasiloonida Gobolka iyo doorka ay Somaliland ku leedahay nabadda, amniga, iyo xasiloonida Geeska Afrika iyo marinka Badda Cas.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad hoosta uga xariiqay in Somaliland ay tahay jamhuuriyad madax-bannaan oo 34-kii sano ee ugu dambeeyey iskeed isku maamulaysay, oo aan ka mid ahayn sooyaalkii lagu dhisayna qayb ka ahayn Maamulka Federaalka ee Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu carabka ku adkeeyay maqaamkeeda taariikheed, sharci iyo siyaasadeed ee Somaliland inay gebi ahaanba ka duwan tahay ta Soomaaliya, isaga oo caddeeyay sida ay Somaliland uga go’an tahay ka-qaybgal nabadeed ee arrimaha gobalka iyo xal u helida mushkiladaha Geeska Africa.
Leave a comment