Latest News

Somaliland Oo Xaqiijisay 18 Xaaladood Oo Cusub Iyo Wasiirka Caafimaadka Oo Raashin Iyo Dawooyin Gaadhsiiyey Gobolka Togdheer

Hargeysa, June 3, 2020 (Haatuf) – Wasaarada Caaafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in maanta 80 qof oo lagu sameeyey baadhitaan ku saabsan Coronavirus laga helay 18 ka mid ah.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa tilmaantay in dadkaasi cusub ee COVID-19 laga helay hadda ay ku jiraan goobo caafimaad oo lagu karaantiimeeyay, waxaana xaaladdooda la socda dhakhaatiirta.
Mas’uuliyiinta dhinaca caafimaadku waxay sidoo kale tafaasiil dheeraad ah ay ka bixiyeen dadka cusub ee laga helay COVID-19, waxayna kala yihiin 15 qof oo Hargeysa jooga iyo 3 qof oo kunool Boorama,  halka 6 qof ay xanuunka ka bogsoodeen.
Wadarta isu-geynta guud Somaliland dadka qaaday xanuunka Coronavirus ayaa gaadhaya  guud ahaan Somaliland 376 qof, waxaana u dhintay 22 qof, halka ay ka bogsoodeen 54 qof,  sida ku cad diiwaanka wasaaradda caafimaadka.
Somaliland waxay iminka ka mid tahay meelaha uu cudurka uu kusii faafayo, iyadoo maalin walba lasoo bandhigayo tobannaan xaalado cusub ah, iyadoo shalay laba kamid ah wasiirrada Somaliland la caddeeyay in COVID-19 laga helay.

Dhinaca kale Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdilaahi ayaa daawooyin Iyo raashin ku wareejiyay maamulka Gobolka Togdheer.

Raashinkan oo guddida ka hortaga COVID19 ee Somaliland ay ugu talo gashay gobolka Togdheer ayaa loo qaybin doonaa 6,000 qoys oo ka mid ah dadka gobolka Togdheer.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*