Latest News

Sudan Oo Magacawday Wasiirka Difaaca Xili Xiisadi Kala Dhaxayso Ethiopia

Khartoum, June 3, 2020 (Haatuf) – Dowlada Suudaan ayaa dhaarisay wasiirka gaashaandhigga kadib mudo laba bilood ah geeridii ku xigeenkii hore ee gaashaandhiga dalkaasi.

Major-General  Yassin Ibrahim Yassin ayaa lagu hor dhaariyey Madaxa Golaha Talada dalkaasi ahna Raysal Wasaaraha Sudan Jeneraal Abdel-Fattah Burhan, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay golaha. Yaasiin wuxuu ka soo baxay hawlgab si uu u qabto xilkan.
Bayaanka ka soo baxay Dawlada Sudan ayaa lagu sheegay in Raysal Wasaare Abdalla Hamdok iyo garsooraha maxkamada dalka Neamat Abdullah ay ka soo qeyb galeen xafladda.

General Yaassiin aya bedelay General Gamal al-Din Cumar, kaasoo bishii March u dhintay xanuun dhinaca wadnaha ah xili uu ku sugnaa Koonfurta Sudan, isagoo ka qeyb qaadanayay wadahadalada nabadeed ee u dhaxeeyay dowladiisa ku meel gaadhka ah iyo kooxaha mucaaradka.
Yassin wuxuu u sheegay wariyeyaasha xaflada kadib inuu taageeri doono dawlada Hamdok uuna aad ugu dadaali doono sidii “lagu gaadhi lahaa hadafka… xiliga kala guudhka.”
Waxa uu ku dhashay Khartoum 1958, Yaasiin, waa sarkaal ciidan ah, wuxuu wax ku bartay akadeemiyada militariga ee Suudaan wuxuuna shahaadada koowaad ee cilmiga militariga ka qaatay Jaamacadda Mutah ee Jordan. Wuxuu howlgab noqday sanadkii 2010, sida ay ku warantay wakaalada wararka rasmiga ee Suudaan ee SUNA.
Dhaarinta ayaa timid xilli xiisado ay kala dhexeeyeen Itoobiya oo ay daris yihiin, weerarana ay kaga imanayaan maleeshiyaad Ethiopian ah oo ku sugan xadka.
Ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsan ciidanka Sudan iyo Ilmo yar ayaa lagu dilay weerar ay khamiistii hore koox maleeshiyaad Itoobiyaan ah ku qaadeen gobolka al-Qadarif ee bariga dalka Suudaan, sida ay sheegeen militariga Suudaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*