Suxufiyiinta Ka Hawlgala Somaliland Oo Ka Gadooday Tacadiyada Iyo Xadhiga Xukuumada Ciro Oo Xadhkaha Goostay.
Hargeysa, July 5, 2025 (Haatufonline) – Warbaahinta Madaxabanaan ee Somaliland ayaa maanta cabasho ka muujiyey tacadiyada xadhigu ka midka yahay ee Xukuumada Madaxweyne Ciro ay ku hayso Suxufiyiinta ka hawlgala dalka.Tan iyo lixdii bilood ee ay xukuumada Ciro jirtay ayaa waxa la xidhay in ka badan 16 suxufi sida ay sheegeen hayadaha xuquuqal Insaanka ee ka hawlgala dalku.
Cabashooyinka Warbaahinta Madaxa Bannaan ayaa waxa ka mid ah:
1. Xadhigga Sharci-darrada ah ee ay Weriyayaashu la kulmeen:Muddadii xukuumadda talada haysay waxa la xidhay u 16 suxufi, halka ay qaarna dalka isaga baxeen. Xadhigyadani waxa ay u dhacaan si aan waafaqsanayn xeerarka dalka. 2. Ka Hor Istaagga Warbaahinta ee Goobaha War-galinta:Warbaahinta waxa laga hor istaagay inay waraysiyo iyo barnaamijyo ka sameeyaan hoteellada,amarrada ay xukuumaddu soo saartay waxa ay gebi ahaanba xadgudub ku yihiin xorriyadda ganacsiga iyo xorriyadda hadalka. 2. Xayiraadda Helitaanka Wararka iyo Xogaha Dawladda:Warbaahintu ma helaan xogaha ay u baahan yihiin dhanka dawladda iyo hay’adaha, iyadoo laamaha dawladda laga joojiyey, waxaana meesha ka baxay ballanqaadkii Madaxweynaha ee ahaa in la siiyo suxufiyiinta xogta ay u baahan yihiin. 3. Cabudhinta iyo Weerarrada ka dhanka ah Suxufiyiinta:Waxaa sii kordhaya handadaadda telefoonka ah ee suxufiyiinta lagu beegsayo,taas oo ku xadgubaysa xorriyada saxaafadda iyo ra’yidhiibashada. 4. Xadgudubyo ka dhan ah Saxaafadda:Qodobada kale ee sida cad xukuumadda uga hortimi waxaa kamid xuquuqda ururinta, fidinta, helidda, iyo faafinta wararka. Waxaa xusid mudan in weriye Yaasir Axmed Cabdilaahi lagu xidhay xog uu soo ururiyey oo run ah.
Leave a comment