Latest News

“Taliska Guud ee ciidamada Booliska Somaliland Waxa uu cadaynayaa inaanay Jirin Wax Qarax ah oo ka Dhacay Gudaha Hargeysa”

Hargeysa, November 16, 2022 (Haatufonline) – Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa beeniyey warar aan sal iyi raad toona lahay oo lagu sheegay in caawa qarax ka dhacay Hargeysa.

“Taliska Guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu cadaynayaa inaanay Jirin Wax Qarax ah oo ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland.

Waxaanu Bulshada u Cadaynaynaa in Agagaarka Dahabshiil Gargaar Agteeda Banjarle Ama Goomayste Ku Yaala oo banjarinaya Tayir ay Wax isaga uun ku kooban oo sameeyay Qaraxyar dhaceen, kaas oon ahay wax dibdakaga yimi waxaana dhawac fudud soo gaadhay Banharlihii iyo qof la shaqaynayay oo xaaladooda caafimaad oo fudud lagu dabiibayo cusbitaalka guud ee hargeisa.

Hadaba Ciidamada boolisku waxa Ay Baadhitaan Ku Hayaan Wixii Sababay Dhacdadii Goobtaasi ka dhacday.

Taliska Guud ee ciidamada boolisku waxa uu digniin u dirayaa cidkasta oo ku hawlana Fidinta wararka Boro Bogaada ah gaaro ahaan kuwa beenta Qoraya Iyo kuwa ka qaadanayaba.

XAFIISKA WARBAAHINTA
CIIDANKA BOOLISKA JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*